waraaq ku qor oohintaada - khaalid kaamil lyrics
Loading...
[1]
dharaar werwer uu ku fuulay
walaacyadu waa culayse
waayaha haku haysan laabta
la qaybso walaal dhibtaada
habeen walbahaar da’aayo
daruuraha wahabka keena
markuu waqalkoodu hooro
guryaha wehelkaaga booqo
[dhextaal]
qof aad la wadaagto sheeko
adduunka haddaad ka waydo
qalinku nafis buu wataaye
waraaq ku qor oohintaada
[2]
ayaamuhu waa wareere
haddii dhulku kula wareego
cirkaa garab laga wacdaaye
wardiga xadhigiisa hayso
waqtiga adag ee hadheeyay
haddii kashu wayraxayso
rabbiga waanwaan la qaado
wanaaji dheh maalmahayga
[dhextaal]
adduunka haddaad ka waydo
qof aad la wadaagto sheeko
qalinku nafis buu wataaye
waraaq ku qor oohintaada
Random Song Lyrics :
- love - hacelen royer lyrics
- heartless - eric heron lyrics
- ho peccato - gel lyrics
- sitron [unreleased] - jonas benyoub lyrics
- everything - jay valera lyrics
- wild side - michaela laws lyrics
- 801 - mvnisk lyrics
- #hot16challenge2 - bisz lyrics
- movin' in the night - $not lyrics
- psycho! - slim gutz lyrics